QISADA LUQMAN AL-XAKIIM

Dhaqankan guurka ee ay Soomaalida iska shabbahaan dalkan ku yaal bartamaha Aasiya

Sharaxaad:


Bulshada Soomaalidu waxay leedahay xeerar iyo dhaqammo kala duwan oo la xiriira guurka iyo dhismaha qoyska, kuwaas oo ay dhalinyaradu maraan si ay u bilaabaan nolol qoys oo cusub.

Hababka loo guursado waa in la soo doonto gabadha, iyada oo badanaa wiilka iyo gabadhu aanay goobta meherka joogin taasina waa dhaqanka qoysaska labada dhinacna uu hoggaamiyo hawsha.

Hab kale oo ka mid ah dhaqanka Soomaalida waa in gabadha ‘lala baxo’ ayadoo wiilkii doonayey ama dad isaga wakiil u ah ay si qarsoodi ah ula tagaan.


Inta aanan u gudbin bulshooyinka kale ee Soomaalida la midka ah dhanka dhaqanka guurka iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin, bal aan fahanno micnaha "la baxsasho" ama "ka cararid.? Cidba sida ay u taqaan.



Waa Maxay la bixitaanku? 


Labixi-taanku waa marka ay wiilka iyo gabadhu is jeclaadan islana ogolaadaan inay isla baxsadaan, iyagoon ogaysiin waaliidka dhalay labadoodadaba. waliba inta badan waxaa ladhahaa, wiilka gabdha la baxayaa abaahihii inuu ogaadana waa macquul, hadabada wiilku gabdha marka uu la baxo, wuxuu la aadaa meel ka durugsan Qoyska gabadha dhalay, isagoo la aada Qoyskiika amba goobo kale Oo qarsoon.

Kadib. gabadha marka lagaadhsiiyo meeshii loogu talo galay, Reerkii gabdha dhalayna ay ogaadaan in gabadhoodii lala baxay, isla maalintaaba waxaa Qoyska Gabadha lagala baxay u yimaada Odoyaal kasoo jeeda dhanta wiilka gabadha la baxay, iayagoo ajandahoodu Uu yahay gabadha Noo meheriya.

Hadaba Halkaa marka ay marayso hadii qoyska gabadha dhalay ay ogolaadaan waxaa dhaca meher iyadoo lakala qaato sooryadii gabadha lala Baxay iyo meherkeedii labadaba, sidoo kale hooyada dhashay gabdhana iyana si gaara ayaa loogu tagayaa iyadoo lasiinayo bushqad lacaga Oo looga jeedo

Midi raali galina.

Gabar aroos loo afduubayo:


Maxay tahay faa’iidada Ku jirtaa marba hadii la Rabo gabadhii? 

Hadii aan ka jawaabo su'aashan. waxay fududeynayaa haddii loo gogol dhigto gabadha reerkooda oo ay noqoto in gabadhii la doono, koley waqti badan ayey qaadanayasaa,  oo “waxaaba laga yaabaa in wiilka aabihiis dhaho hadda lama gaadhin waqtigii kugu haboonaa Aabo.  ee markuu roobku da’o ayaad guursanaysaa”. ama waalidka  dhanka gabdha kasoo jeedha ay dhahaan gabdhani guur diyaar uma aha ama anagaa, anaga ayaa nin ku darayna iyo waxyaabo lamida

Hadii aynu xaga kale ka Eegno. dhaqan ahaan haddii ay labada dhalinyarada ahi is calmadaan isna jeclaadaan, waxaa khasab ku ah in labada dhinacba ay markaas fududeeyaan guurka


“Hadii aynu ka eegno xaga dhaqan ahaana. mar haddii wiilka iyo gabadhu isla baxaan waa in la isu guuriyo layskuna daro,”

Waxaana jira xeerar kale oo dhaqan, marmarka qaar waxaa dhacdaa in labada dhinac (reerka gabadha iyo kan wiilkaba) uu mid kamida Uu go’aansado inuu diido istaago guurkaas, waxyaabo la xiriira xeerarka dhaqan ee kasoo dhexeeya labada  family  ama waxyaabo kaleba ha ahaatee

Kolka Uu wiilku la soo baxayo gabadha waxaa intabadan loo shaqeeya oo la ogeysiiyaa qof kasoo jeeda qoyska gabadha ciday doonto hanoqotee , kaas oo gift loo lasiiyo. Kolka gabadha ay waayaan qoyskeedu amaba ay usoo sheegaan inay fogaadeen ayuu qofkaasi U kuur galaa sidoo Uu Uogaysiin lahaa gabadha qoyskeeda si aan looga shakiyin gabadhii  inaysan wax kale ku dhicin gabadhii.

 


Masaafada muxuu kaga duwan yahay la bixitaanku? 

Masaafada ama meher-xadku kaad doonto Ugu yeedhoo ; wuu ka duwan yahay kii aynu soo sheegnay ee la bixitaanka. Ka sokow inay is raacaan wiilka iyo gabadhu, wuxuu meherku qabsoomaa iyada oo aysan ogeyn reerka gabadha, khaasatana waaba la qariyaa min billow ilaa dhamaad.


Masaafadan ayayna Culimadu iskaga Horyimaadeen. iyagoo qaarkood Reebaya Qaarka kalena difaacaya.


Sikasta ha ahaatee iyada oo ay aad ku kala duwan yihiin, haddana waxaa jira Wadamo muslimiin ah oo gabadha ay arimahan ka dhacaan.

Sida Dalka Kyrgyzstan ee dhaca bartamaha  Aasiya oo 80% ay dadkiisu yihiin Muslimiin waliba sunni ay yihiin. ayaa gabdhaha lala baxaa.

Dhaqanka bulshadaasi wuxuu gadisan yahay kan la bixitaanka, in mararka qaar ay timaado in gabadha la wato iyada oo aan raalli ka ahayn, waana  sababta loogu loogu magac daray 'guurkii afduubka'.

Hadii aynu dhanka diiniyan ka Eegno Uu  dhaqanakani noqonayo mid sharci darro oo ka hor imaanaya diinteena suuban laakiin dadka dalkaas, haddana waa wax la caado U noqday waxaana la sheegaa in  ka badan 10 kun oo guurka sharci-darada ahi qabsoomo sannad walba.

Dhab ahaantii, ninka u dhashay dalkaas, isaga iyo dhowr xulafadiisa ah ayaa kaxaysta baabuur, waxay kor joogteeyaan dhaqdhaqaaqyada gabdha, ka dibna gabadha ayaa dibada ugusoo baxda amaba meel kale laga soo afduubtaa, oo ay geeystaan guriga qoyska wiilka. Kadibna odayaal ayaa sida Soomaalida loo diraa qoyska gabadhu kasoo jeedo.

Gabadha la kaxaystay ayaa la hayaa in muddo aha inta qof qoyskeeda ka tirsan uu yimaado kadibna yada la waydiiyo inay ku qanacsan tahay inay guuesato wiilkaas kaxaystay ama aynu odhan karno afduubte.

Badanaa  gabdhuhu way aqbalaan guurka noocan ah, laakin mararka qaarkood waxaa dhacda in ay diidaan amaba qoyska abdhu ay diidaan, inay gabdhooda ku daraan wiilkaaas ama aysan rabin aysan la xididin qoyska uu wiilku kasoo jeedo intaas kadibna gabadha la celiyo.

Dhanka somalida ay marka hore wiilka iyo gabdhu xidhiidh wadaag in mudo leeyihiin kadibna, wiilka ayaa ka jeclaada gabadha uu in mudda ahba la sheekaysayeyka dibna sidaas ayaa lagula baxaa gabdha.

Sidoo kale wadanka Indonesia oo ah wadanka muslimiinta addunka ku nool ay ugu badan yihiin ayaa isna la sheega anay ka dhaqamadan kuwo lamida ay ka jiraan.

  Waxaana jira wadamo badan, Oo iyana leh dhaqamadan iyo kuwo uso dhawba.

Comments