QISADA LUQMAN AL-XAKIIM

Dhibaatooyinka halista ah Ee Isticmaalka baraha bulshada [ SOCIAL MEDIA]

 Dhibaatooyinka halista ah Ee Isticmaalka baraha bulshada [ SOCIAL MEDIA] 



Sharaxaad. 

Kobaca tiknoolajiga awgii barta internitka ayaa noqday mid cid waliba si fudud ku heli karto, in kasta oo dhinacyo Hufan ay leeyihiin bartani , haddana waa mindi laba af leh Oo habda dhinacaad isticmaasho ayaad midhaheeda guranaysaa. 

Adeegsiga xad-dhaafka ah ee barta internaydka ama u isticmaalka siyaabo taban ayaa sababa dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin kuwa nafsi ah, kuwo bulsheed iyo kuwa caafimaadiyanba .

Aafada isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha lagu wada xidhiidho .
>Halkan Hoose kale soco dhibaatada laga qaado isticmaalka Xad-dhaafka ee internaytka.

                                            

1. Hurdo xumo iyo seexasho la’aan:

Inta baddan qof kastaa waxa uu Indha-indheyaa Barta Internaydka, inta uusan seexan ka hor, taas oo

Saamayn xun ku yeelata faa'iidada hurdadiisa. tasoo sababta dareen hurda la’aana , cilmi-baarayaashu

 Waxa ay tilmaameen in iftiinka ka yimaada taleefoonada casriga ahi uu saamayn xoogan ku yeesho soo

 Deynta Melatonin, kaas oo ah hormoonka mas’uulka ka ah hurdada, sidaas awgeed waxaa wacan in aad

 Ka fogaato isticmaalka internaydka gaar ahaan wakhti ku habboon inta aadan seexan ka hor. 
 



2. Saamayn maskaxeed:  

Daraasadihii ugu dambeeyey ee  Maraykanku sameeyay, gaar ahaan tii lagu sameeyay Jaamacadda California , dadka barta Facebook isticmaala waxa ay soo bandhigta Daraasadaasi  in 75% ka qayb-galayaashu bartan ay isticmaaleen inta ay socdeen, 40% markii ay baabuur wadeen, 60% markii ay dadka kale la hadlayeen. Daraasadu waxa ay taageeraysaa in kororka boqolleyda isticmaalka baraha bulshadu uu siyaadinaayo isu-dheelli-tir la’aanta habka garashada iyo hab-dhaqanka maskaxdaba. 

Isticmaalka joogtada ah ee barta lagu xiriiro waxa ay dhibaato ku keenaan shaqada maskaxda. 
 


3. Urugo/ uurkutaallo:  

Bulshada intooda badan ee isticmaala Aalada Internaydka waxay la kulmaan Niyad-jab Xoogan Oo ay sababaan dadka kale. Daraasad laga sameeyay Kanada waxay Bayaamisay in dhallinyarada baraha bulshada adeegsada in ka badan saddex saacadood maalintii ay u nugul yihiin calaamado la xiriira niyad-jab, wal-wal, xanaaq, iyo Caajis badan.

 
4.Taxaddar la’aan: 

Isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada wuxuu keenaa dhibaatooyin badan sida daal iyo hurdo xumo, taasoo saameyn xun ku yeelata Taxaddarka qofka, yareysana awooddiisa diiradda saaridda, isla markaana hoos u dhigta waxbarashadiisa, iyo inuu ka niyad jabo waxbarashada gaar ahaan fahamkiisa Oo daciifa. una xasuusan karin ama u fahmi karin cilmiga.

 

5. Wax-soo-saarka shaqada oo hooseysa: 

Daraasadihii ay samaysay Jaamacadda Maryland waxay Cayaamisay in Aalada Internaydku, ay Dhibaato geliyaan wax-soo-saarka shaqada, taasna waxa sababay dad badan ayaa daawada internadka inta ay ku guda jiraaan shaqadooda maalinlaa. taasina waxay dhalisay dhibaatooyin waa wayn.

 
6. Iskaga Fogaan Shaha Bulshada     

In kasta oo dadka ay ku xiran yihiin Isgaarsiinta bulshada, haddana xiriirkan waa mid aan dhab ahayn oo mala-awaal ah, taas oo keenta in dad badan ay lumiyaan xidhiidhadooda dhabtaa ee bulshada. iyagoo Hoy U-noqda isticmaalka Aaladaas. Yaraanta isdhexgalka tooska ah iyo ka qeybgalka hawlaha bulshada ayaa sabab u ah in adeegsadayaasha Barta Internaydka ee xad-dhaafka ah ay go’doomaan dadka kale oo ay ku yimaadaan kelinimo. iyo kalisocod nimo.

 
7.Baadigoobka Shakhsiyadaada: 

Bartan Internaydka ayaa saamayn xoogan ku yeelan kara niyadda qofka kaas oo loo maraayo qoraallada kala duwan ee saamayn wanaagsan ama mid xunba ku yeelan karta. Maadaama qoraallada Aan fiicnayn ay door ku leeyihiin in ay sababaan niyad-jabka, iyo dareenka dhaliya walaaca iyo welwelba. 
 


8. Saamaynta caafimaad  

"Addeg-siga xad-dhaafka ah ee Barta Internaydka ayaa dhaawac ku yeesha caafimaadka Bulshada."

"Adeegsiga baraha bulshada si xad-dhaaf ah wuxuu sababi karaa dhibaatooyin Halis ah."


"Tijaabooyin ay sameysay Jaamacadda ku taala Milano Ee Cariga Talyaaniga ayaa muujisay in isticmaalka telefoonka iyo Internet-ka muddo dheer uu sababi karo xanuuno."






DHAMAAD....


>Mudane iyo Marwo Commentiga Aragtidaada nagula Wadaag Mahadsanid< 

 Qoraa Abdifatah.



Comments

Mansha allah said…
Wax fiican maaha isticalka social media wakhti badan