- Get link
- X
- Other Apps
- Get link
- X
- Other Apps
Hordhac:
Nabi Yacquub (CS) wuxuu ka mid ahaa rususha Ilaahay doortay si ay bulshada ugu hagaan toobad iyo wanaag.
Wuxuu ahaa wiilkii Nabi Isxaaq (CS), oo ah wiilkii Nabi Ibraahim (CS).
Yacquub wuxuu ka tirsanaa farac nabiya barakeysan oo Ilaahay doortay.
Qur’aanka Kariimka ah wuxuu ku xusay si sharaf leh, waxaana la baran karaa duruus muhiim ah oo ku saabsan sabirka, kalsoonida Alle, iyo jacaylka qoyska.
Noloshiisa Hore.
Yacquub (CS) wuxuu ahaa nin alle ka cabsada, run sheeg ah, oo dadkiisa la jeclaa.
Intii uu dhalinyarada ahaa, wuxuu la kulmay tijaabooyin kala duwan, waxaana la sheegay inuu u hayaamay magaalada Harran halkaas oo uu kula kulmay eheladiisa fog.
Halkaas ayuu kaga shaqeeyay reerkii Nabi Luqmaan la dhashay ee uu kasoo guursaday Laya, oo ah hooyadii Yuusuf (CS) iyo Binyamiin.
Carruurta Nabi Yacquub (CS) gaar ahaan wiilashiisa waxay ahaayeen laba iyo toban, wuxuuna ka helay xaasas kala duwan.
Wiilashaasi waxaa ka mid ahaa Yuusuf (CS) iyo walaalkiis Binyamiin oo uu aad u jeclaa. Jeceylka uu u qabay Yuusuf wuxuu sababay in wiilasha kale ay ka maseyraan.
Maseyrkooda ayaa sababay in ay Yuusuf ka fogeeyaan aabbahood, waxayna u sheegeen inuu bahal cunay.
Arrintani waxay ahayd tijaabo adag oo uu Nabi Yacquub (CS) sabir iyo kalsooni Alle ku wajahayo.
Waxaa uu la il-darnaa murugo, wuxuuna mar walba Eebbe ka baryi jiray inuu u celiyo wiilkiisa.
Inkastoo murugadiisu badneyd, haddana weligii ma niyad jabin. Wuxuu yiri:
Gargaarka Eebbe ayaan sugayaa.
Sabir iyo Rajo Aan Dhamaanin:
In badan ayuu la noolaa murugo, indhihiina wuu ku caddaaday oohin darteed.
Laakiin markasta wuxuu rumeysnaa in Alle uu u soo celin doono wiilkiisa.
Tani waxay na tusaysaa heerka kalsooni ee uu ku qabay Rabbigiisa.
Isaga oo indho la' ayuu u diray wiilashiisa inay u sahamiyaan halka uu Yuusuf ku danbeeyay.
Ugu dambeyntii, Alle wuxuu ka aqbalay baryadiisii.
Yuusuf (CS) iyo Yacquub (CS) way kulmeen, waxayna ahayd kulankii qoys ee ugu farxadda badnaa. Indhihiisii wuu dib u helay, qalbigiisuna wuu nastay.
Duruufta Qoyska iyo Tusaalaha Nabiga
2. Wuxuu ahaa tusaale fiican oo ah waalid ku sifoobay samir, jacayl, iyo daryeel joogto ah. Wuxuu sidoo kale ahaa tusaale u ah dadka la tacaalaya murugada qoyska, isagoo markasta Alle u jeesanaya.
Qisadiisu waxay dhiirigelin u tahay qof kasta oo la kulma dhibaato, gaar ahaan marka uu lumiyo qof uu jecel yahay.
Gunaanad:🔚
Nolosha Nabi Yacquub (CS) waxay ka turjumaysaa
- adkeysiga,
- sabirka,
- kalsoonida Alle iyo jacaylka qoysnimo.
Waa tusaale ku habboon qof kasta oo raba inuu barto sida loola tacaalo tijaabooyinka nolosha.
In kasta oo uu la kulmay murugo, haddana wuxuu noqday mid guuleystay, oo Eebbe u celiyay nimcadiisii.
2:QISADA NABI YUUSUF (CS)
🔰 HORDHAC
Nabi Yuusuf (CS) wuxuu ka mid ahaa rususha illahay doortay Qur’aankana lagu sheegay. Qisadiisa waxaa lagu soo sheegay Suuradda Yuusuf, suuradaas oo isaga loogu magac daray/taasoo Alle ku tilmaamay:
Qisada Nabi Yuusuf (CS) waa mid ka hadlaysa
- Jacayl,
- Masayr,
- Dulmi,
- Sabir, iyo Cafis,
waxayna na baraysaa in ruux samra uu Allaah ( SWT )u furayo albaab kasta oo barako ah.
Dhalashadiisa
Yuusuf wuxuu ahaa wiilka Nabi Yacquub (CS), wuxuuna ku dhashay reer barakaysan. Markii uu yaraa ayuu riyo ku arkay, wuxuuna u sheegay aabihii:
"Aabow, waxaan arkay 11 xiddigood, qorraxda iyo dayaxa, oo iis sujuudaya."
(Qur’aan, Surat Yuusuf: 4)
Aabihiis wuxuu fahmay in riyadu tahay bishaaro cadaynaysa mustaqbal weyn, wuxuuna ku yiri:
"Wiilkaygiiyow, riyadaada ha uga sheekayn walaalahaaga, waxay kuu abaabuli doonaan shirqool."
(Surat Yuusuf: 5)
Shirqoolkii walaaladii
Walaalihiis oo ka maseyray jacaylka uu Yacquub u qabo Yuusuf waxay bilaabeen shirqool. Waxay yiraahdeen:
"Kudilaa Yuusuf ama meel fog ku tuura, aabihiinna wajigiisu idinku jeedsan."
(Surat Yuusuf: 9)
Ugu dambayn waxay geeyeen god, halkaasoo ay uga tageen, waxayna u sheegeen aabahood in "Yuusuf uu libaax cunay."
Guri, Dhibaato & Xabsi
Qolo safar ah ayaa helay Yuusuf iyagoo ku riday addoonimo. Waxaa iibsaday wasiir reer Masar ah (Caziizka Masar). Yuusuf wuu koray wuxuuna noqday nin muuqaal iyo akhlaaq fiican leh. Xaaska wasiirka ayaa doonatay inuu la yeesho sinnaan, balse wuu iska fogeeyay:
"Rabiyow, xabsi baa ii roon waxa ay iigu yeerayaan........"
(Surat Yuusuf: 33)
Markaas ayaa loo taxaabay xabsiga, in kasta oo uu ahaa daahir.
Riyo Fasiraad & Kaalmo:
Yuusuf wuxuu caan ku noqday fasirka riyooyinka, markaas ayaa loo keenay inuu fasir ku sameeyo riyada boqorka oo ahayd mid adag:
"Yuusufow, ninkii runta ka sheegi kara riyadan noo sheeg..."
(Surat Yuusuf: 46)
Yuusuf wuxuu ku fasiray riyadu inay muujinayso 7 sano oo barwaaqo ah iyo 7 sano oo abaar ah.
Xil & Maamul:
Boqorkii Masar wuxuu ka helay Yuusuf kartidiisa iyo daacadnimadiisa, wuxuuna u magacaabay xil sare oo maamul ah:
"I ilaali khasnadda dalka, anigu waxaan ahay nin hifnadiisa leh."
(Surat Yuusuf: 55)
Yuusuf wuxuu noqday wasiirka dhaqaalaha Masar, wuxuuna si xikmad leh u maareeyay abaar adag.
Yuusuf oo walaladii Cafiyey.
Markii abaaruhu bateen, walaalihiis ayaa yimid iyagoo raadinaya cunto. Yuusuf waa garanay balse iyagu ma garan. Ugu dambayn wuxuu isu muujiyay oo yidhi:
"Anigu waxaan ahay Yuusuf, kani waa walaalkay... Ilaahay wuu nagu deeqay..."
(Surat Yuusuf: 90)
Wuxuu cafiyay, wuxuuna yidhi:
"Maanta danbi idinkama saari karo, Ilaahay ha idiin dhaafo."
(Surat Yuusuf: 92)
Abdifatah jangeli Qoraaga sheekadan...
Comments