QISADA LUQMAN AL-XAKIIM

Taariikhda Soomaalida Oo kooban Halkan

 

Taariikhda Soomaalida Oo kooban Halkan ka boggo.



Bilowga Taariikhda somalida

Taariikhda Soomaalida lagasoo bilaabo qarnigii 1aad, markii ay dadka Soomaalida ah ay ku noolaa aagaggeeda geeska Afrika. Soomaalidu waxay lahaayeen dhaqamo sooyaal iyo luuqado kala duwan, inta badan waxaa la dhahaa somalidii hore waxay ku hadli jireen luuqad la yiraado  AFRO-ASIATIC.

WAQOONYI & KOONFUR



Soomaalidii wakhtigaa joogtay waxay ku noolaayeen qaybo kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya, waxaana loo kala qaybin jiray labo qaybood, qeyb dhanka waqooyi dagan iyo kuwa kale oo iyana dhanka koonfureed daganaa. Waqooyiga Soomaaliya, waxaa ka jiray xuduudaha Boqortooyooyinkii hore. sida boqortooyadii Daraawiisheed tii Adal iyo juwa kale oo badan.

halka koonfurta somalia  ay ka jirtay ganacsi firfircoon oo ay la sameeyeen Carabta iyo Hindidii wakhtigaa imaanaysay xeebaha koonfureed.

Dhismayaashii Dabeeciga ah

Qarnigii 19aad, Soomaaliya waxay noqotay bartilmaameed muhiim u ah gumaystayaasha reer Yurub, oo ay ku jiraan Ingiriiska, Talyaaniga, iyo Faransiiska. Gumaystayaashu waxay bilaabeen inay qayb ka helaan kheyraadka Soomaaliyda, taasoo keentay in la sameeyo xuduud siyaasadeed. xudduudaas oo ilaa haatan jirta.



Markay somalia xoriyada Heshay

Soomaalidu waxay xoriyad ka qaateen gumaystayaashii Ingiriis iyo talyaani 1960-kii, iyadoo Soomaaliya ay isku dartay laba gobol, kuwaas oo kala ahaa Soomaaliya Ingiriiska iyo Soomaaliya Talyaaniga. Waxaa la dhisay dowladdii koowaad ee Soomaaliyeed leh hal calan.


Bilawga Dagaallada

Sanadihii 1990-meeyadii, Soomaaliya waxay gashay xaalad dagaal sokeeye oo aan fiicnayan, taasoo keentay burbur iyo dhibaatooyin badan. Dagaalladu waxay saameeyeen nolosha dadka Soomaalida, waxaana jiray isku dhacyo iyo dagaallo u dhexeeya qabiillo kala duwan, kuwas oo isku qaatay hubkii dawladu ay markaas lahayd.

Xaaladda Maanta somalia



Maanta, Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad dhaanta tii 1991kii walow meelaha qaar ay ka jiraan dagaalo sokeeye, iyadoo la sameynayo dadaallo lagu xoojinayo amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda. Waxaa jira isbeddelo la taaban karo oo lagu hormarinayo dalka, inkasta oo haatan ay jiraan caqabado aan sahlanayn.

Comments