Qisooyinka Nabi Huud Cs. iyo nabi saalax Cs.

    1:✅Qisada Nabi Huud (CS): Farriintii Hanuunka ee                                 Qoomkii Caad:


Hordhac:

Nabi Huud (CS) wuxuu ka mid yahay nebiyadii Eebbe uu doortay si ay dadka ugu yeeraan xaqa iyo cibaadada Alle kaliya. Wuxuu loo diray qoomkii Caad, kuwaasoo ahaa dad xoog badan, muuqaal ahaan wayn, isla markaana dunida ka samaystay dhismooyin cajiib ah. Noloshooda oo ahayd mid raaxo leh ayaa waxay ku ilowday mahadnaqa Eebbe, waxayna bilaabeen inay caabudaan sanamyo ay iyagu farsameeyeen.


Farriinta Nabi Huud (CS):
Nabi Huud (CS) wuxuu si xigmad leh ugu nasteexayn jiray qoomkiisa, 
wuxuuna ku lahaa: 
Kaliya Ilaahay baa xaq u leh in lagu caabudo, isagaa kali ah Ilaah xaq ah.
Wuxuu u sheegay in xooggooda iyo hantidoodu aysan badbaadin karin haddii ay Eebbe ka weecdaan. Balse waxay uga jawaabeen jeesjees, waxayna ku yiraahdeen: 
“Ma naga weecin kartaa waxaad aaminsantahay, 
adigoo naga mid ah?”

Cadaabkii ku dhacay Qoomkii Caad:
Inkasta oo Nabi Huud (CS) si sabir leh ugu celceliyay farriintiisa, 

haddana qoomkii Caad way iska diideen xaqa, waxayna sii wadeen kibir iyo takoor. 
Ugu dambeyn, 
Alle wuxuu ku ciqaabay dabaylo xoog leh oo socday maalmo iyo habeenno badan, taasoo baabi’isay wixii ay dhiseen iyo jiritaankoodii.

Kibirkii iyo Diidmada Qoomkii Caad:
Sheekada Nabi Huud (CS)
 waxay inoo muujinaysaa muhiimadda ay leedahay ku-dhaqanka xaqa, adkeysiga, iyo go'naanta in la gudbiyo fariinta 
Alle xitaa marka laga helo diidmo iyo cadaadis bulshada dhexdeeda ah.
 Waxa kale oo ay na xasuusineysaa in xoog iyo xoolo midna aysan wax tarayn haddii aan la haysan toosnaanta iyo rumaysadka saxda ah.


Gunaanad🔚:
  1. in aan rabi waxna lala wadaajin, kaligiina la caabudo.
  2. in aan rabigaa xasuusnaatoo marwalba, hadii aad baahan tahay iyo hadii aad dharag-san tahay.


   2:Qisada Nabi Saalax (CS): Casharro Ka Yimid Ummaddii                   Thamuud:



Hordhac:
Nabi Saalax wuxuu fariin Alle u gaarsiiyay qoomkii Thamuud oo ahaa dad ku dhegganaa sanamyada, kuwaas oo gaaloobay.
Wuxuu Alle uga digay gaalnimo, isagoo ugu yeeray Towxiidka, cibaadada Eebbe keliya ah, iyo ka fogaanshaha waxyaabaha aan wax tarayn. Qisadiisu waxay ka mid tahay qisooyinka Qur’aanka lagu xusay ee laga dhaxlo xikmad iyo waayo-aragnimo weyn.


U Jeedinta Risaaladiisa:

Nabi Saalax (CS) wuxuu ugu yeeray qoomkiisa inay u hogaansamaan amarka Eebbe, una jeestaan cibaadada Ilaaha kaliya, kana fogaadaan caabudista sanamyada ay gacmahoodu sameeyeen. Wuxuu ula yimid hadal deggan, xikmad leh iyo dardaaran wanaagsan, isagoo leh:

"Qoomkaygiiyow, caabuda Eebbe, ma lihidin ilaah kale oo aan isaga ahayn..."


Mucjisada Geela:

Thamuud waxay dalbadeen caddayn muuqata. Alle wuxuu si mucjiso ah uga dhigay dhagax weyn geelad kasoo baxday — taasoo ahayd mid mucjiso leh oo laga doonayay in aan la dhibin. Nabi Saalax wuxuu u sheegay qoomkiisa in geelada ay leedahay maal gaar ah oo biyo laga siiyo, isla markaana maalinta kale ay iyagu isticmaalaan biyaha.

Laakiin si kibir ah ayay u caasiyeen. Geeladii ayay dileen, waxayna iska dhago tireen digniintii Nabi Saalax.


Ciqaabta Qoomkii Thamuud:

Alle wuxuu ugu dambeyn ku ciqaabay Thamuud jug weyn iyo dhawaq cabsi leh (sayxo), taasoo burburisay dhammaan dadkii gaaloobay. Nabi Saalax iyo dadkii rumaystay ayaa ka badbaaday ciqaabtii weynayd.


Casharka Ka Dhex Muuqda:
  1. Qisada Nabi Saalax (CS) waxay inoo tilmaamaysaa, In mucjiso walba aysan wax tarayn haddii qalbigu xiran yahay.
  2. In isla weyni iyo diidmada xaqa ay horseedi karto halaag.
  3. In rususha Alle aysan u imaan cadaab ee ay u yimaadaan badbaado.



Gabagabo🔚:

Sheekadiisa waxay cashar u tahay kuwa xaqa jecel, kuna baraarujinaysa dulqaad iyo rumaynta fariinta rabaaniga ah. Waa cashar laga dhaxlo ad-adayg iyo Alle ka baqdin.




 Halkaas waxaa inoogusoo dhamaday Qisooyinkii nabi Huud Cs. iyo Nabi saalax Cs.

Qoraaga Abdifatah jangeli✍

Comments