1. QISADA NABI IBRAAHIIM (CS) – AABEHA AMBIYADA
Nabi Ibraahim (CS) wuxuu ka mid yahay ambiyada ugu waaweyn ee Ilaahay soo diray, wuxuuna caan ku yahay samirka, tawxiidka, iyo kalsoonida uu Ilaahay ku qabo.
Wuxuu ahaa Aabaha Ambiyada sababtoo ah dhammaan nebiyada waaweyn ee ka dambeeyay – sida Nabi Ismaaciil, Nabi Isxaaq, iyo Nabi Muxammad (SCW) – waxay kasoo farcameen isaga.
Dagaalka uu la galay Dadkiisa:
Nabi Ibraahim (CS) wuxuu ku soo koray bulsho aad u aaminsan sanamyada, oo Ilaahnimada u nisbayn jirtay waxyaabo ay gacmahoodu sameeyaan.
Wuxuu si geesinimo leh ugu yeeray dadkiisa inay Ilaahay kaliya caabudaan.
Markii ay diideen, wuxuu jebiyey sanamyadoodii si uu u tuso inay yihiin wax aan isdifaaci karin.
Waxaa lagu riday dab weyn, balse Ilaahay wuxuu sameeyay mucjiso — wuxuuna amray:
"Kowni barid iyo nabadgalyo ku noqo Ibraahim!"
(Qur’aan – Al-Anbiyaa: 69)
Dhismaha Kacbada:
Nabi Ibraahim iyo wiilkiisa Ismaaciil (CS) waxay gacmaha is qabsadeen si ay u dhisaan Kacbada — xarunta ugu barakeysan ee Muslimiintu ku tukadaan una leexdaan markay cibaadaysanayaan.
Markii ay dhameeyeen dhismaha, waxay Eebbe u baryeen inuu ka dhigo meel barako leh, kana yeelo iyaga iyo faracooda dad ku hogaansan diintiisa oo u hoggaansan.
Tijaabadii Imaan: Naxariista Ilmaha
Ilaahay wuxuu ku amray inuu gawraco wiilkiisa (Ismaaciil). Markii uu u hogaansamay, Ilaahay ayaa u bedelay geeljir ah (ari), taasina waxay saldhig u noqotay ciidda Al-Adxaa.
Waxyaabaha aan ka baranayno:
Tawxiidka iyo kalsoonida Ilaahay.
Samirka iyo u hoggaansanaanta amarka Eebbe.
In la geliyo juhdi weyn korinta ubadka si ay u koraan iyagoo leh akhlaaq wanaagsan iyo iimaan adag.
2. QISADA NABI ISXAAQ (CS)
HORDHAC
Isxaaq (CS) wuxuu ahaa cunugii labaad ee Ibraahim (CS) dhalay.
13 sano ayuu ka yaraa Nabi Ismaaciil.
Bishaarada dhalashadiisa waxaa laga keenay samada sare, wuxuuna noqday nabi iyo rasuul Alle u doortay inuu dhambaalkiisa qaado.
Magaciisa waxaa Qur’aanka lagu sheegay ku dhawaad 16 jeer..
Dhalashadii Nabi Isxaaq (CS)
Dhalashadiisu waxay ahayd bishaaro xagga Alle ka timid.
Nabi Isxaaq wuxuu dhashay isagoo Aabihii Ibraahim ah 100 sano jir, hooyadiis Saara waxay ahayd 90 sano jir.
Bishaaradaas waxaa u keenay malaa’igtii Alle u dirtay qowmkii Nabi Luud, kuwaas oo ku hakaday deegaanka Nabi Ibraahim kahor inta aysan u gudbin ciqaabtii qoomkii faaxishada ku kacay.
Nabi Ibraahim wuxuu haystay wiilkiisii Ismaaciil oo la joogay hooyadiis Haajar magaalada Maka.
Markii ay malaa'igtu u yimaadeen, wuxuu u qaatay inay yihiin marti wuxuuna u diyaariyey neef la dubay.
Markii ay cunin ayuu la yaabay oo cabsi galay, waxayna ku dhaheen:
"Ha baqin, waxaan nahay malaa’ig loo soo diray qawmka Nabi Luud."
Nabi Ibraahim (CS) xaaskiisii Saara ayaa la maqashay warka farxadda leh waxayna ku tiri:
"Miyaan anigu dhalayaa anoo waayeel ah?"
Waxayna malaa’igtii ugu jawaabeen:
"Ma la yaabay amarka Alle?"
Ugu dambayn, Saara waxay uur qaaday waxayna dhashay Nabi Isxaaq.
Sida lagu xusay aayadda 47aad ee Suuradda Saad, Isxaaq iyo wiilkiisa Yacquub waxay ka mid yihiin akhyaarta Alle doortay.
Nabi Isxaaq Markii uu Waynaaday
Markii uu waynaaday, Nabi Ibraahim wuxuu doonay in wiilkiisu Isxaaq u guuriyo, laakiin ma doonayn inuu ka guursado qabiilo mushrikiin ah.
Sida uu wariyay Ibnu Kasiir, Nabi Isxaaq wuxuu guursaday isagoo 40 sano jir ah gabadh la oran jiray Rifqa bintu Yatuu’iil.
Rifqa waxay ahayd ma-dhalays, markaas ayuu Nabi Isxaaq Ilaahay baryay, waxuuna Alle siiyey uur ay kaga dhashay labo wiil oo mataano ah: Cizwa iyo Yacquub.
Sheekada Nabi Isxaaq si kooban ayay Qur’aanka ugu timid, waxaana la ogyahay inuu ka dhashay qoys barakaysan oo isna ka dhashay farac barakaysan.
Culumada qaar waxay sheegeen in wiilkiisii Cizwa uu guursaday gabadh uu dhalay Nabi Ismaaciil, ayna ka soo farcameen dadka Roomaanka ah ee dhisay boqortooyadii Ruum.
Duriyaddii Nabi Yacquub waxay ka mid noqdeen reer Banii Israa’iil oo ay ka dhasheen rusul iyo nabiyo badan.
Dacwadii Nabi Isxaaq (CS)
Nabi Isxaaq (CS) wuxuu sii waday gudashada farriintii Eebbe ee uu aabihiis Ibraahim (CS) bilaabay, isagoo hogaaminayay dadkiisa hanaanka toosan kadib geerida aabihiis.
Wuxuu u gudbiyay risaalaha dadka uu la noolaa wuxuuna baray xaqa Alle.
Culumada taariikhda waxay sheegaan in Nabi Isxaaq iyo wiilashiisu ay tageen Maka si ay u soo booqdaan Nabi Ismaaciil halkaasna ku xajiyeen kadibna kusoo noqdeen dhulkoodii Kancaan.
Wiilkiisa Nabi Yacquub ayaa mar soo booqday aabihiis Isxaaq isagoo deggan tuulo yar oo la yiraahdo Xabruun, oo ku taalla Kancaan, taasoo maanta ka tirsan dhulka loo yaqaan Falastiin.
Geeridii Nabi Isxaaq (CS)
Nabi Isxaaq wuxuu xanuustay intii uu la joogay wiilkiisa Yacquub.
Wuxuu geeriyooday isagoo 180 sano jir ah.
Waxaa lagu aasay meel u dhow qabriga aabihiis Nabi Ibraahim (CS), waxayna wada aasan yihiin dhulka maanta loo yaqaan Falastiin.
Nabi Isxaaq (CS) wuxuu ka dhashay reer barakaysan, isaga laftiisuna wuxuu ahaa nabi sharaf iyo kheyr badan, halka durriyadiisuna ay noqotay mid kamid ah kuwa ugu mudan ee nebiyo iyo rusul badan kasoo farcameen.
Gunaanad
Nabi Isxaaq waa nabi Alle doortay, lagana dhaxlay rasuuliyiin badan oo hanuunin jiray ummadaha.
Qisada Nabi Ismaaciil (عليه السلام)
Dhalashadiisa & Socdaalkii Maka
Nabi Ismaaciil (CS) wuxuu ahaa curadkii Nabi Ibraahim (CS) oo uu ka dhashay xaaskiisa Haajar, oo Alle u doortay inay hooyo u noqoto wiil barakaysan. Markii uu dhashay, Alle wuxuu amray Nabi Ibraahim inuu Haajar iyo Ismaaciil u kaxeeyo meel cidlo ah — waa dhulka Maka.
Xilligaas Maka waxay ahayd dhul cidlo ah oo aan lahayn biyo, baad, iyo nolol toona — kaliya kulayl daran iyo carro qalalan ayaa ka jiray.
Su’aalihii Haajar & Kalsoonidii Ilaahay
Haajar oo yaaban waxay Nabi Ibraahim weydiisay su’aalo badan:
"Maxaad meeshan nagu keentay?"
"Ma Ilaahay baa kugu amray inaad nagu tagto?"
Markii uu ugu dambayn u sheegay in amarka Alle yahay, waxay tiri:
"Haddii ay sidaa tahay, Alle nooma dayici doono."
Kani wuxuu ahaa tilmaanta kalsooni buuxda oo haweeney Alle ku kalsoon muujisay.
Raclayntii Safa & Marwa
Markii ay biyo ka dhammaadeen, Haajar waxay bilowday inay raadiso biyo. Waxay 7 jeer orod u dhex martay labada buurood ee Safa iyo Marwa si ay u hesho biyo ama dad biyo haya.
Orodkaas (racleyda) maanta Muslimiintu waxay ku sameeyaan cumrada iyo xajka — waa astaan muujinaysa adkaysiga iyo iimaanka Haajar.
Mucjisadii Zamzam
Haajar markii ay soo noqotay, waxay aragtay biyo kasoo burqanaya cagaha Nabi Ismaaciil uu garaacayay.
Waa il-biyoodka la yiraahdo Zamzam, waana mucjiso weli taagan ilaa maanta. Waxay siisay wiilkeedii biyo, way cabtayna.
Bilowgii Deganaanshaha Maka
Dad socdaal ah oo reer Carab ahaa ayaa yimid dhulkaas, markay arkeen biyaha Zamzam, waxay u oggolaadeen Haajar inay biyo ka cabaan.
Waxay sidoo kale halkaas ka dhiseen guri, waxayna degeen meeshaas.
Ismaaciil wuxuu kusoo barbaaray dadkaas, wuxuuna ka bartay af-Carabi.
Riyada Nabi Ibraahim & Tijaabadii Adkaa
Markii Nabi Ibraahim wiilkiisa u sheegay, Nabi Ismaaciil wuxuu si kalsooni iyo samir leh uga jawaabay:
"Aabow, samee waxa laguu faray. Insha Allah waxaad iga heli doontaa mid sabra."
Wuxuu xitaa ku taliyay:
"Maradayda igu duub, si dhiiggayga aanay hooyaday u arkin."
Bedelkii Ismaaciil – Wanka Samada Ka Yimid
Markii Ibraahim isku diyaariyay inuu gowraco wiilkiisa, Alle wuxuu amray inuu joojiyo.
Aayadda 107aad ee Surat As-Saaffaat waxay leedahay:
"وَفَدَيْنَاهُ بِذِبْحٍ عَظِيمٍ"
"Waxaanu ku beddelnay gowrac weyn."
Waa wanka weyn ee samada laga keenay—kaasoo maanta laga xuso ciidda Ciidul Adxaa.
Asaasida Maka & Xasuusta Barakaysan
Dhacdadan ayaa sababtay in dhulka Maka noqdo magaalo barakaysan oo uu salka ku hayo xasuusta sabirka, kalsoonida, iyo iimaanka Ismaaciil iyo hooyadiis.
Waxaana ay dhaxal u noqotay Kacbada iyo Zamzam, labaduba saldhig u ah diinta Islaamka.
Xikmadaha Laga Baranayo
Kalsoonida Alle: Haajar waxay ina baraysaa in rumaysnaanta Eebe aysan dayicin qofka.
Sabirka & tijaabada: Ismaaciil waa tusaale qof Alle raalli ka yahay
Comments