- Get link
- X
- Other Apps
Khatarta ka imaan karta biyahoo gacanta layskaga keeno.
In qofka uu biyaha, gacantiisa iskaga keeno ( siigada ) waxaa loola jeedaa iska keeno isagoo ku ciyaaraya xubnihiisa taranka. ka dhaqanka iyo caafimaadkaba, waxaana laga qaadaa xanuuno halis ah iyo cillado badan, kuwaaso ay diintuna inooga digayso.
Taas oo keeni karta cillado nafeed iyo kuwa maskaxeedba, siigadu waxay khatar ku tahay in jirku uu si caadi ah u shaqeeyo sababtoo ah waxay Khalkhal gelisaa hormoonnada ka imaan lahaa qofkaa siigaystay sababtoo ah in qofkani uu joogteeyey isticmaalka gacanta. waxaan halkan kuugu baaamin doonaa, dhibaatooyinka laga qaado biyahoo gacanta layskaga keeno.
Tabar yari & daal badan:
In qofka ay ka lunto awooda maskaxeed iyo midda jireed, waa mid ka mid ah khasaaraha ka dhasha biyahoo gacantada layskaga keeno, biyaha oo gacanta layskaga keeno waxay hoos u ridaa hamada ragaa sababtoo ah waxaa mesha ka baxda awooda qofka.
Biyahoo gacanta layskaga keeno waxaa ka dhasha, wahsi badan, madax-xanuun joogta ah, cadho badan, wareer, iyo qofkoo jidhkiisu naaquso.
La qabsiga:
Mudo badan markaad biyaha gacanta iskaga keento, jidhkaagii si laqabsi leh ayuu ubaranayaa wuxuuna rabaa inuu mar waliba aad samayso biya baxaa, waxaana kugu adkaanaysa inaad iska dayso, waxayna dhibaato wayn ku keeni kartaa raganimaada.
Mudada galmada:
Caadiyan raga waxaa loogu talo galay inay biyuhu kaga imaan karaan, ugu yaraan 6ilaa7 daqiiqo ugu badnaana 10 daqiiqo, balse hadi aad tahay qof in mudo`aba biyaha gacantiisa iskaga keenayey ( siigaysi) waxaa ku adkaan doonta inuu qabciyo xaaskiisa, ugu badnaana biyuhu ay kaga yimaadaan 1 ilaa 2 daqiiqo.
Halka qofka dumarka ay iyadana biyuhu kaga imaadaan 15 ilaa 20 daqiiqo, markaa nin biyuhu ay 1 daqiiqo kaga imaanayaan waxaa ku adkaanaysa inuu qanciyo xaaskiisa halkaana uu ka dhasho burbur Qoys
Xanuuna Oo qofku U nuglaado:
Dhamaan xanuuna dadka ku dhaca sida, kaneecada, qufaca, cagaar-shawga, tiibishada iyo kuwa kale oo badan. Waxay si fudud qofkaa ugu jirikaraan jidhkiisa mudo badan sababtoo waxaa yaraaday difaacii jidhka.
Nusqaan timaada wakhtiga Galmada:
Biyahoo gacanta layskaga keeno waxay hoos udhigtaa dareenka raga xiliga sariirta, sida xubinta oo jilicda laguna lamaaniyo gacnta.
Shahwada oo daadata:
Ragu intooda badan habeenkii markay seexdaan waxay ku riyoodaan iyagoo qof galmo la samaynaya waxaana ka yimaada biyaha iyagoon is ogayn taasina waa wax caadiya.
Balse qofku markuu qaba-timo siigaysiga badan markasta uu arko qof dumara oo qaawan waxaa ka daadanaya biyaha isagoon celin karin.
Hurdada oo yaraata:
Jidhkeena waxaa ku jira hormoona kala duwan kuwaas oo mid waliba haya shaqo u gaara ah isaga,
Hormoonka circadian rhythm.
Biyaha oo gacanta layskaga keeno wakhti badan waxa meesha ka baxa hormoonka la yiraahdo
Hormoonka circadian rhythm (wareegga hurdada) kaasoo sababa hurdo la`aan.
Hormoonka korriinka ragga (HKR) Oo Yaraada:
✔️ Hormoonkani Wuxuu muhiim u yahay korriinka iyo qaabaynta jirka ragga (tusaale, codka oo sii xumaada, murqaha oo koraya, iyo gadhka oo baxa,
✔️ Hormoonkan oo meesha ka baxa wuxu sababi karaa timo lumis (baldness), gaar ahaan haddii qofku joogteeyo siigaysiga baddan.
✔️ hormoonkan waxaa laga helaa qanjirada hoostooda waana muhiim.
Mudane & marwo commentiga nagula wadaag aragtidaada.
Qoraaga Abdifatah
Bogga Dhambaalmedia.
Comments